Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Ururka Türkiye Alumni, oo ay ku mideysan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay dalka Turkiga, waxaana ururkaas ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Ururka Türkiye Alumni ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ugu hambalyeeyey doorashadiisii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo u rajeeyey in Alle SWT u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo doortay, isla markaana uu ku guuleysto hoggaaminta Golaha Shacabka iyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa uga mahadceliyey xubnaha Ururka Türkiye Alumni hambalyada iyo taageerada ay u muujiyeen, isagoo ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan horumarinta aqoontooda iyo kobcinta iskaashiga ay leeyihiin.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale kula dardaarmay xubnaha Ururka Türkiye Alumni in ay aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo xirfadaha ay kasoo kororsadeen dalka Turkiga uga faa’iideeyaan dib-u-dhiska dalka, horumarinta hay’adaha dowladda iyo guud ahaan horumarka Soomaaliya.




