Horjoogayaal katirsan khawaarijta oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warciise, oo 25 KM u jira magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen laba horjooge.

 

Horjoogeyaasha howlgalka lagu dilay ayaa kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, oo ahaa horjoogihii Khawaarijta ugu magacawnaa degmada Jowhar, iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo ahaa horjoogihii kooxda ee deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo. Labadan horjooge ayaa muddo lagu daba jiray xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.

 

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka waxa ay ugu yeeraan xisbada ee deegaanka Warciise, kuwaas oo la socday horjoogeyaasha la beegsaday. Howlgalka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab culus.

 

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna burburinayo horjoogeyaashooda iyo shabakadaha ay u adeegsadaan abaabulka falalka argagixisada.

 

 

IMG_5589-768x1117.jpeg