Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa 820-tan oo cunto ah ka qaybisay Gobolka Sanaag ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka faa’iidaysteen 5,500-Qoys oo danyar ah.
Howlahan gargaarka ee loo fidiyay shacabka danta yar ee ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa qayb ka ah wejiga afraad ee mashruuca faragelinta degdegga ah ee lagu xoojinayo sugnaanta cuntada ee dadka u baahan gargaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, tallaabadan, waxay qayb ka tahay mashaariicda gargaarka ee Boqortooyada Sacuudiga ay Soomaaliya ku taageerto, iyadoo u soo marsiineysa hay’addaheeda bani’aadantinimo ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka, si loo taageero sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.



