Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxaa maanta maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada, oo u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee heer Federaal iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad-Goboleedyada.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta, isku-duwidda qorshayaasha waxbarashada iyo dardargelinta horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyadoo dhinacyadu ay si wadajir ah uga arrinsanayaan arrimaha mudnaanta u leh waxbarashada Soomaaliya.