Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Ankara, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yasar Guler, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Selcuk Bayraktaroglu.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee rasmi ah ee Taliye Ibraahim uu ku tago Dalka Turkiga tan iyo markii loo magacaabay xilka, waxaana ay ku timid Casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga. Waxaa safarka ku wehliya saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Kulamada Ankara ayaa diiradda lagu saarayaa xiriirka difaaca iyo Amniga ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan Tababarka Ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa muddo Sannado ah Soomaaliya ka taageerayay dib-u-dhiska Ciidamada, isagoo Tababar iyo taageero Milatari siinayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Ankara ayaa sidoo kale Magaalada Muqdisho ku leh Xarun weyn oo lagu Tababaro Ciidamada Soomaaliyeed.

Iskaashiga Difaaca ee Labada Dal ayaa sii ballaartay Sannadihii u dambeeyay, iyadoo Soomaaliya ay waddo Qorshe ay Ciidamadeedu si tartiib ah ugula wareegayaan Mas’uuliyadda Amniga Dalka, isla markaana ay sii socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Booqashada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Ankara ayaa qayb ka ah xiriirka Milatari ee sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo wadahadallada Labada dhinac ee ku saabsan Tababarka, Tayeynta iyo Dhismaha Awoodda Ciidamada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Maanta ayay aheyd markii Wasiirka Gaashaandhigga  ee Dowladda Turkiga Yaşar Güler uu soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, Jenaraal Ibrahim Maxamed Maxamuud, oo Ankara ku jooga Casuumaadda Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Dalka Turkiga Jenaraal Selçuk Bayraktaroğlu uu u fidayay.

Bayraktaroglu sidoo kale wuxuu ka qayb galay Shirkii Wasaaradda ee Caasimadda Dalka Turkiga.

ibra1.jpgibra2.jpg

XIGASHO:TRT