Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP oo kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi

Muqdisho(Wargeyska Dalka)—-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa Maanta Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Mudane Christophoros Politis, Wakiilka Cusub ee Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

Kadib guddoomista Waraaqaha Aqoonsiga, Mudane Politis ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Hamza Adan Haadoow, waxaana labada dhinac ay kala saxiixdeen Is-afgarad (MoU) oo lagu dhisayo hannaan lagu xoojinayo Iskaashiga, si loo taageero mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta Iskaashiga dhinaca horumarinta, waxayna soo dhaweeyeen sii socoshada taageerada UNDP ee Horumarinta Hay’adaha Dowladda Soomaaliya iyo kobaca waara ee Dalka.

 

dhayo1.jpgdhayo2.jpgdhayo3.jpgdhayo4.jpg