Muqdisho(Wargeyska Dalka)–Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Maanta kulan ah la yeeshay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi).
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaaladda Bani’aadannimo ee Dalka iyo diyaar-garowga saameynta laga filayo Super El Niño, gaar ahaan Fatahaadaha iyo Xaaladaha kale ee ka dhalan kara Roobabka la saadaalinayo.
Waxaa la isku raacay in Ciidamada Qalabka Sida ay qayb muhiim ah ka noqdaan dadaallada Gurmadka iyo badbaadinta Bulshada, si gaar ah in Ciidanka Cirku kaalin ka qaadato gaarsiinta Gurmadka, xog-ururinta iyo qiimeynta xaaladaha Dhulka, iyadoo la adeegsanayo Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyay Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo Iskaashiga iyo diyaar-garowga Hay’adaha Dowladda, si si hufan looga hortago loogana Jawaabo saameynta laga filayo Super El Niño, loona ilaaliyo badbaadada Shacabka.




