Muqdisho(SONNA)–Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdulqaadir Cali ayaa guddoomiyay Shirka Isk-uduwidda Saddex Biloodlaha ah ee u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adda Qaxootiga IOM, iyadoo Wafdiga Hay’adda uu Hoggaaminayey Madaxda Hawlgalka IOM ee Soomaaliya mudane Manuel Marques Pereira.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray; Iskaashiga Labada dhinac, iyada oo la is dul istaagay natiijooyinka howlaha qabsoomay, qaab-dhismeedka qorsheynta wadajirka ah, dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta, waafejinta xalalka Amniga, xasillinta iyo xalka ay ku jiraan Nabad-dhiska iyo qorshayaasha rubuca soo socda.
Sida ay ku qortay Wasaaraddu Boggeeda Baraha Bulshada, Shirku wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Iskaashiga Labada dhinac laga gudbiyo heerka isku duwidda oo loo beddelo tallaabooyin iyo Natiijooyin la taaban karo, iyadoo la xaqiijinayo in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u noqoto qorsheynta iyo hirgelinta hawlaha xasilinta. Waxaa la isku raacay in la sii xoojiyo isku-xirka Hay’adaha, wadaagga xogta iyo khibradaha, iyo in qorshayaasha la isla meel dhigay loo beddelo waxqabadyo wax-ku-ool ah oo gacan ka geysta xasilloonida, Nabadda iyo horumar waara oo Dalka ka hirgala.

