Mareykanka iyo Faransiiska oo ka hadlay xalka khilaaf cusub oo u dhaxeeya.

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa dadaal u galay sidii loo soo afjari lahaa khilaaf soo billowday todobaadkii hore,ka dib markii dalalka Mareykanka,Ingiriiska iyo Australiya ay ku dhawaaqeen heshiis difaac oo khuseeya dalalkaasi.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray,ka dib kolkii maalinimadii shalay ay ku wada sheekeysteen khadka taleefanka.

Joe Biden iyo Emmanuel Macron ayaa la filayaa in dhammaadka bisha soo socota ay ku kulmaan Yurub.

Faransiiska ayaa ka carooday heshiis dhexmaray dalalka Mareykanka,Ingiriiska iyo Australia ,kaas oo la xiriira in lacago gaaray $ 37-bilyan oo doolar dalka Australia loogu dhiso gujisyada mara baddaha hoostooda ee ku shaqeeya quwadda Niyuklerka.