Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada Baaritaannada Hay’adaha DFS

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Warbaahinta u soo bandhigay Warbixinnada Baaritaannadii uu Sanadkan ku sameeyay Hay’adaha Dowladda.

Warbixinnada ayaa lagu soo bandhigay Natiijooyinka Baaritaannada iyo xogo la xiriira habka Hay’adaha dowladda u maareeyeen heshiisyada, Iibka, Deeqaha, Maamulka iyo Arrimaha Maaliyadeed.

Hantidhawrku wuxuu tilmaamay in Baaritaannada lagu ogaaday khaladaad iyo habacsanaan ka jira qaar ka mid ah habraacyada Maamul iyo Maaliyadeed, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto, lana xoojiyo hannaanka isla-xisaabtanka iyo Maamul-wanaagga.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa sidoo kale Warbixinnadan u soo bandhigay si loo helo xog cad oo ku saabsan sida loo maareeyo Hantida iyo Dhaqaalaha Dowladda, loona dhiirrigeliyo Hay’adaha Dowladda inay u hoggaansamaan Shuruucda iyo habraacyada Maaliyadeed ee Dalka.