Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Maanta oo Axad ah Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska, Mudane Yaasiin Maxamuud, oo Booqasho Rasmi ah ku jooga Magaalada Muqdisho.
Kulanka Labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya Labada magaalo, is-dhaafsiga Khibradaha Maamulka Dowladaha Hoose, Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo Fursadaha Iskaashi ee Mustaqbalka.
Duqa Magaalada Bristol, Mudane Yaasiin Maxamuud, ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah Xafiisyada iyo waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir, si uu ugu kuurgalo habka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan iyo Adeegyada ay Dowladda Hoose ee Muqdisho u fidiso Bulshada.






