Dowladda Soomaaliya oo Tacsi u dirtay Dowladda Itoobiya kaddib Masiibadii ka dhalatay Roobab xoogan oo ka da’ay Dalkaas

Muqdisho (Wargeyska Dalka)–War-Saxaafadeed ka soo baxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Tacsi u dirtay Dowladda Itoobiya kaddib Masiibadii ka dhalatay Roobabkii Xooganaa ee ka da’áy Dalkaasi.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Hoggaankeeda, Dowladdeeda iyo Shacabkeeda, kaddib Masiibadii ka dhalatay Roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolka Amxaarada.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Dowladda Itoobiya xilligan adag.

Soomaaliya waxay Tacsi u diraysaa Qoysaska iyo Ehelada Dadkii ku geeriyooday masiibadan, waxayna u muujinaysaa sida ay uga xuntahay ugana murugooneyso Dadka ku dhaawacmay.

Dowladda Soomaaliya waxay bogaadinaysaa dadaallada socda ee lagu baadi goobaayo laguna badbaadinaayo Dadka ay masiibadu saameysay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhaawacyada Caafimaad Deg-Deg ah.