Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Magaalada Muqdisho waxaana diiradda lagu saarayaa siyaasadda Badaha Soomaaliya, ilaalinta Madaxbannaanida iyo Biyaha Dalka, Horumarinta Gaadiidka Badda, iyo kobcinta Dhaqaalaha Buluugga ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb gelaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo looga hadli doonaa siyaasadda Badaha Soomaaliya, ilaalinta Madaxbannaanida iyo Biyaha Dalka, horumarinta Gaadiidka Badda iyo kobcinta Dhaqaalaha Buluugga ah.



