Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Kulankii ugu horreeyey la qaadatay Xubnaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhowaan la magacaabay, waxaana Kulanka sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Intaasi ka dib, Xubnaha Guddiga oo hab gacan taag ah ku doortay Guddoonka Guddiga ayaa Guddoomiyaha guddiga u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo Kulanka soo xirtay ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga iyo Xubnaha Guddiga kula dardaarantay in ay si Cadaalad ah uga shaqeeyaan una qaban qaabiyaan Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.




