Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa magacaawday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddigan oo ka kooban 9-Xubnood, ayaa loo xushay in ay maamulaan habsami-u-socodka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si loo xaqiijiyo hufnaan, daahfurnaan iyo ku Dhaqanka Dastuurta iyo Xeer-Hoosaadka Golaha.



