Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan u Magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka Xiriirka Dadweynaha, Warfaafinta iyo gudbinta Xogaha rasmiga ah ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Afhayeenka cusub faray inuu si hufan oo mas’uuliyad leh u guto waajibaadka loo igmaday, kana shaqeeyo xoojinta Xiriirka Wasaaradda iyo Bulshada, isla markaana si joogto ah oo waqtigeeda ku habboon u gudbiyo wararka iyo Xogaha rasmiga ah ee la xiriira hawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.