Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo ka warixiyay doorashadii ka qabsoontay deegaannada Galmudug

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa war ka soo saaray doorashadii tooska ahayd ee Galmudug ka dhacday.

Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo gelinkii dambe ee maanta shir Jaraa’id qabtay ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa shacabka Galmudug, ururada siyaasadda, musharaxiinta iyo dhammaan daneeyeyaasha la wadaagay warbixin ku saabsan halka uu marayo hanaanka tirinta isku-dubaridka doorashada.

ka dib, markii si guul ah ugu soo dhammaatay guud ahaan codbixinta deegaannada iyo degmooyinka doorashooyinka ka qabsoomeen, ayuu guddigu wuxuu xaqiijiyay in cododka doorashada si rasmi ah uga idlaatay dhammaan goobihii codbixintu ka qabsoontay, iyada oo la raacayo shuruucda iyo habraaca tirinta cododka.

“Guddigu wuxuu shacabka iyo ururrada siyaasadda ku wargelinayaa inta badan natiijooyinka goobaha codbixintu ay soo gaareen xarunta dhexe Guddiga ee Dhuusamareeb, haddaba guddiga wuxuu ku guda jiraa isku darka, xaqiijinta natiijooyinka laga soo gudbiyay goobaha codbixinta si loo xaqiijiyo in cod kasta loo tiriyay si sax ah, islamarkaana natiijada ugu dambeyso ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaa jira sabab keenay goobaha qaar natiijooyinka dib u dhacaan gaar ahaan kuwa ku yaalo deegaannada fog fog iyo in si buuxda loo hubiyo saxnaantooda ka hor inta ay soo gaarin xarunta guddiga ee Dhuusamareeb”.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Galmudug, ururada siyaasadda iyo musharaxiinta in ay muujiyaan dulqaad si uu u guto guddiga waajibkiisa si madax bannaan oo waafaqsan sharciga, sidoo kale, guddiga ayaa ku booriyay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka in ay ku kalsoonaadaan kaliya wararka iyo xogta rasmiga ah ee uu soo saaro guddiga.