๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda 28-aad ee dhismihii dowlad goboleedka Puntland awgeed.

 

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa bulshada deegaanadaas ku bogaadiyay biseylkooda dowladnimo iyo nabadda , isaga oo sidoo kale hambalyeeyay hoggaankii soo maray maamulkaas kaalintii ay ka qaateen dowlad dhiska dalka iyo dhabar-adeygii ay muujiyeen xiliyadii kala duwanaa ee lagu jiray dhismaha iyo yagleelidda maamulkaas.

 

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii u rajeeyay hoggaanka & bulshada gobolada Puntland nabad waarta, Horumar & Barwaaqo.