Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Kampala ee Uganda kaga qayb galay Shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ciidamadoodu ka qayb qaataan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga Soomaaliya, horumarka howlgalka AUSSOM, xoojinta iskaashiga dalalka ciidamada ku deeqay, iyo taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cumar Cali, iyo Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare Afrax.





