Wasiika Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qayb-galay Shirweynaha Dadweynaha Adduunka ee Afrika, kaasoo looga hadlayo arrimaha Dhaqanka, Hal-abuurka, Horumarinta Taariikhda Afrika iyo Awood-siinta Mustaqbalka Dhallinyarada, si loo helo bulsho dhinac kasta ka dhisan isla markaana xal-waara looga gaaro caqabadaha caalamig ah.
Shirweynaha oo si rasmi ah uga furmay xarunta dhexe ee Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA) oo fadhigiisu yahay caasimadad Ethiopia ee Addis Ababa, waxaana isku arkay shirkan qaar kamid ah mas’uuliyiinta Dawladaha Afrika oo ay Soomaaliya ugu muhiimsan tahay, Diblomaasiyiinta caalamiga ah, Aqoonyahannada, Wakiillada bulshada rayidka ah iyo Hogaamiye-yaasha dhallinyarada ee ka kala yimid Qaaradda Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah, si looga wada hadlo doorka qaaradda ee ku aaddan qaabeynta iskaashi xoogan oo ay Afrika ka yeelato arrimaha Dhaqanka, Hal-abuurka, Horumarinta Taariikhda Afrika iyo Awoodsiinta Dhallinyarada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa shirka ka jeediyey khudbad micno badan xambaarsan oo salka ku haysay guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ka gaartay Hormarinta Dhaqanka, Hal-abuurka iyo arrimo kale oo asaas iyo halbeeg u ah Dawladnimada ka hana qaaday guud ahaan geyiga Soomaaliyeed oo ay ugu weyn tahay xakamaynta iyo xasilinta amniga guud ee dalka iyo la dagaalanka kooxaha arga-gixisada.
Madaxda kala duwan ee ka socday Afrika iyo caalamka kale ee ka qayb-galay shirkan, ayaa isla qaatay adkaynta iyo xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Dadweynaha iyo Dawladaha qaaradda Africa iyo shucuubta kale ee caalamka, iyagoo sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimada ay leeyihiin Wadahadalka, Ixtiraamka madaxbanaanida Dawladaha qaabaysan ee addunyada iyo ilaalinta qiyamka bulshada Afrika





