Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka degmada iyo xubnaha golaha wakiilada.
Wasiirka xanaanada xoolaha Galmudug Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Tootoole) iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Galmudug Maxamed Cabdullaahi (Dhagacadde) ayaa codkooda ka dhiibtay Seejada xarunta degmada oo ka mid ah goobaha ay shacabka Cadaado ka codeynayaan.
Wasiir Tootoole ayaa xusay in maanta ay Galmudug uga dhigantahay maalin weyn oo nidaamka dowlad wanaagga tallaabo horumar leh loogu qaaday.








