intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay mudnaanta istaraatiijiga ah ee Midowga Afrika, dadaallada nabadda iyo amniga ee gobolka, horumarradii u dambeeyay ee la xiriira Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM), iyo doorka Soomaaliya ee horumarinta himilooyinka guud ee qaaradda.
Wasiirka ayaa ku ammaanay Guddoomiyaha hoggaamintiisa iyo dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta mudnaanta Midowga Afrika, isagoo sidoo kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Soomaaliya ay la garab taagan tahay dadaalladiisa.



