Muqdisho; Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareynaysaa weerarka iyo gelitaanka Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa ee uu hoggaaminayay Sarkaal Israa’iili ah, isagoo ay weheliyaan Kooxo Xagjir ah iyo Ciidamada Ammaanka Israa’iil.
Falkaani wuxuu ka dhigan yahay xadgudub weyn oo lagu sameeyay Karaamada iyo Xurmada mid ka mid ah Goobaha ugu Barakaysan Islaamka, isla markaana gef ku ah dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee Dunida ku nool.
Iyadoo Soomaaliya ay Xubin ka tahay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay mar kale adkaynaysaa mowqifkeeda ku aaddan taageeridda Shacabka Falastiin iyo difaaca xaaladda taariikhiga ah iyo tan Sharci ee Goobaha Barakaysan ee Diimaha ku yaalla Magaalada Qudus.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah ee kicinta xambaarsan isla markaana la hubiyo isla xisaabtan ku aaddan Cid kasta oo ku Lug leh.
Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn isla markaana ay u istaagaan wadahadal miro dhal ah oo lagu gaari karo Nabad Caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo waafaqsan Sharciga Caalamiga ah iyo Qaraarrada Qaramada Midoobay.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Shacabka Falastiin iyo xaqooda Sharciyeed ee ay u leeyihiin inay helaan Dowlad Madax-Bannaan.
Soomaaliya waxay taageersan tahay xalka Labada Dowladood, iyadoo u aragta jidka keliya ee lagu gaari karo Nabad, Amni iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah, dhowrista Madaxbannaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Dalalka, iyo xallinta khilaafaadka si Nabad ah.

