Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Hon Musalia W Mudavadi.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira Arrimaha socdaalka, iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo Iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha Qunsuliyadaha iyo fududeynta isu socodka Shacabka Labada Dal.
Sidoo kale, Labada dhinac waxay dib ay sheegeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta Xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan Arrimaha muhiimka u ah xasilloonida iyo Nabadgelyada

