War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah dal walaalo ah isla markaana ah saaxiib U dhaw Dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda ku aaddan badqabka Dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada, iyadoo taageereysa dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo Amniga, Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada.
Soomaaliya waxay taageereysaa dhammaan dadaallada Diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka si Nabad ah, waxayna ku baaqeysaa is xakameyn si looga hortago sii hurinta xiisadaha.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqeynta iyo isku duwidda dadaallada ay la leedahay saaxiibbada Gobolka iyo kuwa Caalamiga ah si loo ilaaliyo Nabadda iyo Amniga Gobolka.

