Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalimiga, Mudane Abdisalam Cali, ayaa gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika. Kalfadhigaasi waxaa looga hadli doonaa Nabadda Gobolka, Ammaanka, dib-u-habaynta Hay’adaha iyo isku-xirka Dhaqaalaha.
Wasiirku wuxuu ka helay soo dhawayn diiran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, taasoo muujineysa Xiriirka Laba-geesoodka ah ee xooggan.
Soomaaliya waxay horumarineysaa mudnaanta Iskaashiga Amniga, maareynta Badaha, iyo xasilloonida Gobolka. Wasiirku wuxuu la macaamilayaa la-hawlgalayaasha sidii loola dagaallami lahaa khataraha Caalamiga ah, islamarkaana loo xoojin lahaa awoodda ka hortagga khilaafaadka ee Ururka Midowg Afrika AU, iyo kor u qaadista Iskaashiga Dhaqaale ee Geeska Afrika.

