Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ka daahfuray Tababarka Howl-wadeennada Maalinta Doorashada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Guddoomiye Maxamed Cumar Sanatar oo furay Tababarkan muhiimka ah ayaa kula dardaarmay Howl-wadeennada in ay ka faa’ideystaan Tababarkan xoogga saaraya arrimaha Doorashooyinka.
Deegaannada Galmudug, waxaa si dar-dar ah uga socda Ololaha Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ay Shacabka ku dooranayaan Hoggaankooda.










La wadaag

