Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum, ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay Madasha “Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya: Caqabadaha iyo Fursadaha.”

Madasha waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur, iyo sidoo kale Khubaro, Cilmi-baarayaal, Ganacsato, Kalluumeysato iyo Daneeyayaal kale.

Madasha ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha iyo Fursadaha horyaalla Waaxda kalluumeysiga Soomaaliya. Waxaa si qoto dheer looga dooday xoojinta Iskaashiga Daneeyayaasha, Horumarinta wax-soo-saarka Kalluunka, ilaalinta Khayraadka Badda, iyo kobcinta Dhaqaalaha Buluugga ah si uu door muuqda uga qaato Horumarka Dhaqaale ee Dalka.

Intii uu socday Kulanka, Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS) waxay soo bandhigtay Cilmi-Baaris ku saabsan xaaladda Khayraadka iyo Noolaha Badda Soomaaliya, taas oo iftiimisay Khataraha sii kordhaya ee wajahaya Deegaanka Badda. Waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ilaalinta kala duwanaanshaha Noolaha Badda iyo hirgelinta maareyn waarta oo lagu ilaalinayo Khayraadka Badda, si ay uga faa’iideystaan Jiilasha Maanta iyo kuwa Mustaqbalka.

Gabagabadii Madasha, Guddoomiyaha Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), ADM Gaas Prof. Faarax Axmed Cumar, ayaa Shahaadooyin Sharaf guddoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur, isagoo ku ammaanay kaalintooda ku aaddan Horumarinta Kalluumeysiga, Dhaqaalaha Buluugga ah, horumarinta Dekedaha Dalka, iyo xoojinta Maamulka iyo Shuruucda Badaha Soomaaliya.

 

FB_IMG_1785056575902.jpgFB_IMG_1785056589080.jpgFB_IMG_1785056603503.jpg