Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), ayaa goordhow si rasmi ah u shaaciyay Jadwalka Doorashada Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.
Guddiga ayaa isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10-aad ee Sharciga Dhismaha GMDQS, isla markaana fulinaya Qodobka 18-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, wuxuu Jadwalka uu soo saaray ku sheegay in 5-ta Bisha soo socoto ee Agoosto 2026, loo asteeyay diiwaangelinta iyo qeybinta Kaararka Codbixiyeyaasha.
7-da Agoosto, ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay dhacdo asteynta iyo shaacinta xarumaha iyo Goobaha Codbixinta, halka 8-Agoosto loo madlan yahay dhaacinta Liiska hordhaca ah ee diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Sidoo kale, Guddiga Jadwalka Doorasho ee Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ee ay soo saareen, waxay 11-ka bisha Agoosto loo asteeyay soo gudbinta Liiska Wakiilada Ururada Siyaasadda ee Goobaha Codbixinta, halka 15-ka Agoosto la guda geli doono soo gudbinta iyo xaqiijinya Liiska Musharaxiinta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. 16-kana waxaa la shaacin doonaa Liiska kama dambeyska ah ee Codbixiyeyaasha.
18-ka, shaacinta Liiska Musharaxiinta Ururada Siyaasadda iyo Maalinta 18-ka Agoosto 2026, oo ah Maalinta Doorashada.
Halkan hoose ka Akhris Liiska Guddiga soo saaray.



