Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Keymaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Turgay Türkyılmaz. Wafdigan ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Dalka si loo xoojiyo Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Labada Dal ee dhinacyada kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta Iskaashiga Farsamo iyo Maalgashiga, iyadoo si rasmi ah loo daah-furay Kulammo iyo Guddiyo Farsamo oo wadajir ah oo ka shaqayn doona Horumarinta arrimaha mudnaanta u leh Labada Dal.Qodobbada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:
Maamulka Kalluumeysiga: Qiimeynta kaydka Kalluunka, buuxinta nusqaamaha xogta Cilmiyeed, iyo hirgelinta Sharciga Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga ee 2023.Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Kalluumeysiga: Abuurista fursado Maalgashi oo ay ka faa’iidaysan karaan Shirkadaha Turkiga, gaar ahaan dhismaha Xarumaha qaboojinta, kaydinta, farsamaynta iyo dhoofinta Kalluunka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta Iskaashiga ku saleysan danaha wadaagga ah, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoolajiyada, si loo horumariyo ka faa’iidaysiga waara ee Khayraadka Badda Soomaaliya loona kobciyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay ugu jiraan xoojinta xiriirka Taariikhiga ah iyo Iskaashiga dhinacyada horumarinta Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Kalluumeysiga.




