Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo AUSSOM, iyadoo laga wada hadlay taageerada howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madaxa AUSSOM taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo AUSSOM.






