Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay Shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa Maanta guddoomiyay Shirka Billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda.

Shirka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Cadaaladda, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka Billaha ah, dardargelinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed iyo diyaar-garowga bandhigga Waxqabadka Afarta sano ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.Sidoo kale, Kulanka ayaa looga hadlay soo bandhigista guulaha la taaban karo iyo horumarka laga gaaray dhinacyada Cadaaladda iyo dhameystirka Dastuurka Dalka.

Wasiiru Dowlaha ayaa ku bogaadiyay Agaasimayaasha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda dadaalka ay ku bixiyeen gudashada waajibaadkooda, isagoo ku booriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka iyo dardargelinta howlaha mudnaanta leh si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo qorshayaasha Qaran ee Wasaaradda loo idmaday.

FB_IMG_1784975723010.jpgFB_IMG_1784975712015.jpg

 

FB_IMG_1784975709122.jpg