Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, horumarinta tayada waxbarashada, kobcinta fursadaha waxbarasho iyo maalgashiga horumarinta karaanka aadanaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii ambaqaadidda iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo fursadaha waxbarasho ee ay ka faa’iideysanayaan ardayda Soomaaliyeed iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka.