Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xudduudaha Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jenaral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xudduudaha Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo tayada iyo wada-shaqeynta Hay’adaha ka shaqeeya sugidda Amniga Xuduudaha Dalka.

Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya horumarinta awoodda Hay’adaha Amniga, kor u qaadidda hababka casriga ah ee Maamulka Xuduudaha, xoojinta Amniga Garoomada Diyaaradaha, iyo kobcinta Iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamiga ah ee taageera Amniga iyo xasilloonida Dalka.

Wasiir Genaral Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)  ayaa sheegay in amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha uu yahay tiir muhiim u ah amniga qaranka, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso Dhismaha Hay’ado Amni oo leh Awood iyo Xirfad ay ku wajahaan caqabadaha Amni ee jira.

Barnaamijkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono tayeynta Shaqaalaha Amniga, adkaynta maamulka xuduudaha, fududeynta isu-socodka sharciga ah, iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo khataraha Amni ee ka gudba Xuduudaha, iyadoo la raacayo heerarka iyo habraacyada Caalamiga ah.