Soomaaliya oo safiir aan degenayn ku yeelanaysa Maldives

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, sidoo kalena ah Safiirka aan deggenayn ee dalalka Sri Lanka iyo Maldives, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjironimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Maldives, Mudane Dr. Mohamed Muizzu, Kulankaan waxa qeyb ka ahaa La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda JFS ee Hindiya, Marwo Ayaan Maxamuud Sheekh Xamiid.

Kulankaan ayaa looga hadlay xiriirka tooska ah ee diblomaasiyadeed ee labada dal, kaas oo dib u soo laabtay markale kaddib 10-kii Maarso 1988, oo ahayd markii ugu horreysay ee xiriir toos ah oo sidaan oo kale ah uu dhex maro labada dal.