Waxaa la xaqiijiyay Dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu ku tilmaamay Hoggaamiyaha Sagaalaad ee ugu sarreeya Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab (Khawaarijta) ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Maalin Jinow Ibrahim, oo ahaa Hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Xubin ka mid ah Golaha Shuurada ee Kooxda, ayaa lagu dilay hawlgal qorsheysan oo sax ah oo ay fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Taariikhdu markay ahayd 5-tii Luulyo 2026-kii, waxaana lagu dilay Tuulada Sabyo ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah inta u dhaxaysa Afgooye iyo Basra.
Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Macallin Jinoow wuxuu ahaa Shakhsi sare oo ka tirsan Garabka Dagaalka ee Kooxda, wuxuuna La-Taliye dhow u ahaa Hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab, Axmed Diiriye (oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Cubeydah ama Axmed Cumar).
Waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay Hub-ka-dhigista Beelaha Deegaanka iyo qorista Hoggaamiyeyaasha Qabaa’ilka ee Gobollada Baay iyo Bakool si ay ugu biiraan Kooxda Argagixisada ah, xilligaas oo ku beegnayd Sanadkii 2010-kii.

