๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฒ๐š๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐œ๐ฐ๐š๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ซ๐ž๐ฃ๐จ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐š๐ก

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qey -galay munaasabadda qalin-jabinta Dufcaddii Kowaad ee heerka Master-ka Dacwada iyo Garsoorka, kuwaas oo noqonaya ardaydii ugu horeysay ee ka qalin-jabisa Machadka Sare ee Arrimaha Dacwada iyo Daraasaadkq Islaamka.

 

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay isaga oo ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay ku gaareen heerkan tacliimeed, wuxuunna ku boorriyey in aqoonta ay u adeegsadaan ilaalinta caddaaladda, ku dhaqanka sharciga iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed si daacadnimo iyo hufnaan leh.

 

Waxa uu sheegay Raโ€™iisul Wasaare Xamsa in dadka bartay Culuumta Islaamka, ay yihiin kuwii ilaalin lahaa caqiiqqda Islaamka iyo Sunnaha Rasuullka, โ€œAqoonyahanka bartay Dacwada waxa ay rejo u yihiin ummadda Islaamka ah, waxa ay albaab u furaan kuwa quustay, waxa ayna ilaaliyaan midnimada ummadda, doorarkaas muhiimka ah ayey culimada Soomaaliyeed u taagan-yihiinโ€.

 

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dajisay siyaasad Qaran oo lagu nidaaminayo Culuumta Shareecada, iyada oo lagu salaynayo caqiidada saxda ah, lana<br>mideeyay dhammaan dugsiyada lagu barto Cilmiga Dacwada.

 

Dhanka kale Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey wada-hadallada dowladda iyo saamilleyda siyaasadda kuwaas oo muhiimad weyn u leh horumarka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uunna ugu baaqay dhammaan dadka doonaya in ay shacabka Soomaaliyeed hoggaamiyaan in ay dowladda ku taageeraan ciribtirka Khawaarijta iyo adkeynta midnimada Qaranka.