Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyey shir ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladaha ka jira degmooyinka Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah looga hadlay amniga, maamulka, adeegyada bulshada, horumarinta degmooyinka iyo dardargelinta wada shaqeynta ka dhexeysa heerarka kala duwan ee maamulka.
Gudoomiyaasha shirka ka qeyb galay ayaa Hoggaamiyaha la wadaagay warbixino ku saabsan xaaladaha ka jira gobollada iyo degmooyinka, iyagoo soo bandhigay guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo adeegyada dowladda.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa masuuliyiinta ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, kor u qaadista amniga iyo xal u helidda caqabadaha ka jira degmooyinka, si shacabka loogu adeego si hufan oo waxtar leh.
Hogaamiye Shekh Aadan ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah oo dhex marta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka, si loo xaqiijiyo maamul hufan, amni waara iyo horumar loo siman yahay oo ka hirgala dhammaan deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.




















