Howlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar Horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

<p>WAR-SAXAAFADEED</p><p>Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa xalay fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Khawaarijta ka sameysteen Deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan Deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.</p><p>Howlgalka ayaa lagu dilay 25 Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka 18 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, afar Xubnood oo ka tirsanaa firxadkii Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Xubnahaasi waa:

• Aadan Maxamed Jimcaale, oo kooxda ay u taqaannay Cabaas.

• Ibraahin Aadan Daahir

• Aadan Abshir Cabdi iyo• Nuurow Caawid Cali, oo kooxda ay u taqaannay Amiir.

 

Waxaa sidoo kale Goobta ka firxaday Xubno kale oo ka tirsanaa Kooxda, kuwaas oo ka cararay Hubkoodii kaddib markii ay la kulmeen jab culus.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah gulufka joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibbada Caalamka ay ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana lagu baacsanayo laguna ciribtirayo haraadiga Kooxda, si loo xaqiijiyo Amniga iyo xasilloonida Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa u mahadcelisay Saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka Argagixisada, waxayna mar kale xaqiijisay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo laguna ciribtirayo Khawaarijta, iyagoo fulinaya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu dabar-goynayo Argagixisada.

 

FB_IMG_1784374418944.jpg