Mman-Jordan-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Urdun, ayaa booqday Xarunta Tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Boqor Cabdalla II (King Abdullah II Special Operations Training Center – KASOTC), halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Xarunta, Sarreeye Guuto Khulduun Xuseen Irshidaat.
Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta Xarunta ayaa ka wada hadlay Fursadaha lagu ballaarin karo Tababarka Ciidamada Gaarka ah iyo sidii Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay uga faa’iidaysan lahaayeen Khibradaha iyo Barnaamijyada Tababar ee KASOTC, si loo xoojiyo tayada, Xirfadaha iyo diyaar-garowga Ciidamada, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka Argagixisada iyo hawlgallada gaarka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhagaystay Warbixin ay soo jeediyeen Mas’uuliyiinta Xarunta oo ku saabsan howlaha KASOTC, Tababarka Ciidamada Gaarka ah iyo hababka casriga ah ee loo adeegsado fulinta Barnaamijyada Tababarka Takhasuska leh. Wasiirka iyo Wafdiga la socday ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee Xarunta iyo Goobaha Tababarka.

