Duqa Magaalada Muqdisho oo Dhagax dhigay Dugsi Hoose dhexe oo laga hirgelinayo Degmada Gubadleey

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Khamiista maanta ah Dhagax-dhigay Dhismaha Dugsi Hoose iyo Dhexe oo laga hirgelinayo Waaxda Xaaji-Cabdi ee Degmada Gubadley, kaas oo bixin doonna Waxbarasho Lacag la’aan ah, tallaabadan oo qayb ka ah siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu xaqiijinayo in dhammaan Carruurta Caasimaddu helaan Waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo Horumarinta Waxbarashada, maadaama ay tahay Tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo Bulsho karaan leh, isla markaana Dugsigan cusub uu wax weyn ka tari doono baahida waxbarasho ee carruurta iyo dhallinyarada ku nool Deegaanka Xaaji-Cabdi iyo Deegaanada ku xeeran, isagoo xusay in Maamulka uu sii laba-jibbaari doono hirgelinta Mashaariicda Horumarineed ee Bulshada taabanaya, gaar ahaan kuwa la xiriira Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegyada aasaasiga ah, si Bulshada Caasimaddu u hesho Adeegyo tayo leh oo waara.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxa uu markale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Maalgelinta iyo Horumarinta Adeegyada Waxbarashada, isaga oo aaminsan in dhismaha Xarumaha Waxbarasho uu Saldhig u yahay kobcinta Aqoonta, diyaarinta Jiil karti leh iyo xaqiijinta horumar waara oo ay Bulshada Soomaaliyeed ka wada faa’iidaysato.

Munaasabadda Dhagax-dhigga waxaa Goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin heer Gobol iyo Degmo, Odayaal, Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka.