Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo Suuqyada Shiinaha iyagoo ka faaโiideysanaya Canshuur-dhaaf buuxa.
Heshiiskan ayaa ah mid Taariikhi u ah horumarinta waaxda kalluumeysiga Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee Badeecadaha Kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah ugu helaan Suuqa Shiinaha fursad Canshuur-dhaaf ah, taas oo sare u qaadeysa Tartanka iyo Fursadaha dhoofinta ee Kalluumeysatada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, gaar ahaan Kalluumeysatada, Ganacsatada iyo dhammaan Daneeyayaasha waaxda kalluumeysiga. Wasiirku wuxuu xusay in heshiisku uu xoojinayo Xiriirka Dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu furayo Bog cusub oo Iskaashi iyo Maalgashi oo faaโiido u leh labada Dal.
Dhankiisa, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa tilmaamay in Heshiiskani uu fududeyn doono Ganacsiga labada Dal, isla markaana uu kor u qaadi doono is-weydaarsiga Ganacsiga iyo horumarinta Iskaashiga Dhaqaale. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiisku uu faaโiido muuqata u yeelan doono Shacabka Soomaaliya iyo Shiinaha.
Heshiiskaan ayaa lagu daabacay Bogga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, ayay waxay Heshiiskan u aragtaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu kobcinayo dhoofinta Badeecadaha Soomaaliyeed, lagu xoojinayo Dhaqaalaha Buluugga, laguna abuurayo Fursado cusubย shaqo iyo horumar Dhaqaale oo waara.

