Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo ka hadlay Shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay Shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC), isagoo Beesha Caalamka u soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarinta Bulshada, Amniga, Dowladnimada iyo sareynta Sharciga.

Wasiirku waxaa uu iftiimiyay guulaha Taariikhiga ah ee Dalka ka gaaray dib-u-habeynta Dhaqaalaha, Dowlad-dhiska iyo Dimuqraadiyadeynta, wuxuu xusay dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC Completion Point), qaadista cunaqabateyntii Hubka ee Qaramada Midoobay, hirgelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod ee ugu horreeyay muddo ka badan 50 sano, Doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta Deegaannadii laga saaray Khawaarijta.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tubta hagaysa Horumarka Dalka, isla markaana uu saldhig u yahay u-guurista horumar waara oo ku dhisan kobac Dhaqaale, Maalgashi iyo hoggaan Qaran, iyadoo si tartiib tartiib ah looga gudbayo ku tiirsanaanta Gargaarka Bani’aadannimo.

Wasiir Beenabeene ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay qorsheynta ku saleysan xogta, xoojinta nidaamka Tirakoobka Qaranka iyo horumarinta go’aan qaadashada ku dhisan caddeymo, kuwaas oo sare u qaaday dabagalka iyo qiimeynta horumarka laga gaarayo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).

Gabagabadii, Wasiirku wuxuu ugu baaqay Saaxiibbada horumarinta inay sii xoojiyaan Iskaashiga Soomaaliya, isla markaana ballan-qaadyadooda u beddelaan ficil muuqda oo lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee Dalka.