Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Dhagax dhigay Masjid weyn oo laga dhisayo Aqalka Madaxtooyada Baydhabo.

Masjidkan ayaa loogu talagalay inuu u adeego Madaxda, Shaqaalaha Madaxtooyada iyo martida booqata, isagoo qayb ka ah qorshaha horumarinta Kaabeyaasha Madaxtooyada iyo xoojinta qiyamka Diinta Islaamka.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay Dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta Bulshada iyo Dhismaha Xarumo tayo leh oo u deegaya shacabka.

Wasiirka magacaaban ee Wasaarada Warfaafinta ahna Wasiirkii Hore Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Nuur Siidow Baaba iyo wasiirka cusub Wasaarada Diinta  Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoona muujiyey rajada ay ka qabaan inuu noqdo goob lagu xoojiyo cibaadada, wacyigelinta iyo midnimada bulshada

 

 

FB_IMG_1783931061475.jpg

FB_IMG_1783931064000.jpgFB_IMG_1783931066135.jpg

FB_IMG_1783931061475.jpg