Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fuliyay howlgalka lagu bartilmaameedsaday Khawaarijta

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday Goobo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee Deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay Gaari Cabdibile ah iyo Booyad Shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka Argagixisanimo.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta Weerarrada Argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka Argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.