Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka , ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika ee lagu qabtay magaalada Abidjan.
Shirkan oo halkudhiggiisu ahaa “Sare u Qaadidda Kaalinta Afrika ee Dunida Isbeddelaysa ayaa isugu keenay hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha, siyaasad-dejiyeyaasha iyo khubarada qaaradda si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dhaqaalaha Afrika iyo xoojinta iskaashiga.
Intii uu shirku socday, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Midowga Madaxda Dhaqaalaha Afrika (African Chief Economists Network), oo ah madal mideynaysa madaxda hay’adaha dhaqaalaha ee dalalka Afrika si loo xoojiyo iskaashiga, is-weydaarsiga aqoonta, iyo talooyinka siyaasadeed ee kor loogu qaadayo koboca iyo adkeysiga dhaqaalaha qaaradda.
Dr. Xasan ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay madax iyo khubaro ka kala socotay dalalka Afrika iyo hay’adaha horumarinta, isagoo soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha dhaqaalaha dalka.








