Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Guddoomiyaha Guddig Doorashooyinka Qaranka oo ka wada hadlay arrimaha wacyigelinta Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan kala shiray geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan tebinta doorashada Galmudug.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa kulankaan diiradda ku saaray doorka Warbaahinta Qaranka ee tebinta doorashooyinka Galmudug oo ka dhacaya 11 degmo, kuwaas oo Wasaaradda Warfaafinta ay u kala direyso Weriyaasha Warbaahinta Qaranka.

Wasiir Cabdulfatax Qaasim ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku bogaadiyey geeddi socodka doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka socda, isagoo balan-qaaday in Wasaaradda Warfaafinta ay qaadan doonto doorkeeda tebinta doorashooyinka iyo wacyi-gelinta Bulshada, si bulshada loogu hago hanaanka doorashooyinka tooska ah oo shacabka awoodda loogu celinayo.