Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Bare oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dib-u-dhis lagu sameynayo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso Hay’adaha muhiimka u ah adeegga Bulshada iyo kobaca Dhaqaalaha Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay horumarinta Dhaqaalaha Dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta Ganacsiga, Horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta Maalgashiga iyo abuurista jawi Ganacsi oo hufan.

“Xarunta Wasaaradda oo muddo 50 sano ah dhisnayd, kana muuqatay duugnimo, dib-u-dhiskeedu waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddani waxa ay kamid tahay Wasaaradaha laf-dhabarta u ah Qaranka, waana Albaabka loo maro Ganacsiga iyo Horumarinta wax-soo-saarka Dalkeenna.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Dowladda ay ka go’an tahay tayeynta kaabeyaasha Hay’adaha Qaranka, si loo dardargeliyo Adeegyada ay Shacabka u hayaan, loona xoojiyo fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi ee Dalka.

“Dalkeennu wuxuu u jihaystay dhanka Horumarka iyo kobcinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay Dalka ka hirgalaan Warshado badan oo ay leeyihiin Maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo Ajnabi ah oo dalka maalgashanaya.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan hirgelinta mashruucan dib-u-dhiska ah, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Hay’adda iyo Adeegyada ay u hayso Shacabka Soomaaliyeed.

FB_IMG_1783759093692.jpgFB_IMG_1783759106027.jpgFB_IMG_1783759114767.jpgFB_IMG_1783759095701.jpg

FB_IMG_1783759114767.jpg