Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa kulan wax ku ool ah kula yeeshay xafiiskeeda Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, Mayor Katie B. Wilson, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo badan oo dan wadaag ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashi dhexmara labada dhinac.
Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, ayaa uga mahadceliyey Duqa magaalada hoggaankeeda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso bulshooyinka Bariga Afrika oo Soomaalida ay qeyb ka tahay. Sidoo kale Maareeyaha ayaa uga mahadceliyey soo dhoweyntii diirranayd ee loo sameeyey, isaga oo muujiyey rajada ah in iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac uu sii xoojismo, si loo gaaro himilooyinka iyo danaha la wadaago.



