Wasiirka Beeraha oo guddoomiyey shirka ayaa ka qaybgaleen dowlad goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa guddoomiyay shir wadatashi ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Beeraha ee Dowlad-goboleedyada dalka.

 

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray is waafajinta siyaasadaha iyo sharciyada beeraha, horumarinta nidaamyada xogta, cilmi-baarista, adeegyada fidinta, casriyeynta waraabka iyo beeraha iyo xoojinta iskaashatooyinka beeraleyda.

 

Dhanka kale, kulanka waxaa looga dooday dhowr qodob oo mudnaan u leh hormarinta iyo tayeynta beeraha taasoo ay ka mid yihiin dhismaha Nidaamka Qaran ee Isku duwidda Beeraha, Diiwaanka Qaranka ee Beeraleyda, Nidaamka digniinta hore u digidda ee khataraha, Keydka Abuurka, Kaydka Qaran ee Cuntada iyo mideynta qaab dhismeedka, siyaasadaha iyo istaraatiijiyadda beeraha.

 

Shirkan ayaa la filayaa inuu dardargeliyo wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, isla markaana xoojiyo horumar waara oo ku saleysan wax soosaarka beeraha iyo sugnaanta cuntada Soomaaliya.